Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe oo Maxaabiis Cafis u fidiyay

0

Guddoomiyaha gobolka Shabeela dhexe ayaa cafis u fidiyay maxaabiis ku xirneyd saldhiga Booliska magaalada Jowhar munaasabada ciidul Fitriga ee fooda nagu soo haysa awgeed.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay weheliyaan qaarka mid ah  mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa booqday maanta saldhiga Booliska degmada Jowhar waxana uu soo saaray amarkan lagu cafinayo sagaal ka mid ah maxaabiista ku xiran saldhiga Jowhar kuwaas oo aan gelin dambiyo culculus.

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe, Daa’uud Xaaji Cirro, oo ka hadlay siideynta maxaabiistan ayaa sheegay in 9 maxbuus oo mid ka mid ah ay tahay haweeney loo fidiyay cafis si ay ula wadaagaan qoysaskooda ciid Al-Fitriga.