Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya Cali roobow,ayaa lagu wadaa in uu soo gaabiyo Safar uu ku jogo Dalka Sucuudiga kadib markii Tobaadkan Labo Bas lagu weeraray Waqooyi Bari Kenya Dadna ku dhinteen.
Guddoomiyaha ayaa Dowladda Kenya ka codsaday in ugu yaraan 1,000 Askari loo diyaariyo Gobolka Waqooyi Bari,gaar ahaan Sohdina Soomaaliya ay la wadaagaan,waxaana aragtidan horay u soo jeediyay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta .
Weerar ka dhacay Ceel Waaq ayaa lagu dilay Lix Ruux,waxaana lagu dhaawacay sideed kale kadib weerar lagu qaaday Gawaarida Dadweynaha oo Nairobi ka yimid kuna socday Mandheera.
Gobolkasta oo ka mid ah 3da Gobo lee Waqooyi Bari Kenya ayuu Kenyatta dalbaday in loo qoro 300 Askar Boolis ah si ay u ilaaliyaan Xadka ay la wadaagaan Soomaaliya.
Guddoomiye Robo ayaa ka dalbaday Madaxda ka soo jeedda Gobolka eek u jira Dowladda Dhexe in ay Dowladda ku caadaadiyaan in Booliska la qaadanayo uu noqdo mid ka soo jeeda Degaanka ee uusan noqon mid ka imanaya Gobollada kale ee Xasilloon.
Dowladda Kenya ayaa ka soo saartay Dingiin maalmaha Ciidda Islaamka inta lagu jiro in weerarro ay ka dhacaan gudaha kenya,kadib markii Booliska ay sheegeen in 40 Xubnood oo ka tirsan Al-shabaab lagu arkay Xeebaha Lamu.