Madaxweynaha Dalka Uganda ,Yoweri Museveni, ayaa mar kale ku celiyay in Ciidanka Uganda ee jooga Soomalaiya ay ka baxayaa kadib markii uu sheegay in qorshaha Uganda ay u gashay Soomaaliya ay ahayd in la dhiso Ciidanka Soomaaliyeed si ay ula wareegaan amaanka dalkooda,taasna uu hakad ku yimid.
Museveni waxaa uu ka hadlayay kulan Madaxda Gobolka ay kaga arrinsanayeen Amaanka,waxaana ka qeyb gelayay Ra’isalwasaaraha Maamulka Yuhuudda Natanyahu.
Uganda,ayaa waxaa Soomaaliya ka ka jooga Lix Kun oo Askari,waxaan ay qeyb kayihiin howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,waxaan aay dalka ka howlgalayaan tan iyo 2007dii.
Yoweri Museveni,waxaa uu sheegay in markii ay tagayeen Soomaaliya lagu heshiiyay in la badbaadiyo Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay islamarkaana laga caawiyo in ay dhistaan Ciidankooda,waxaana uu intaa ku daray in taasi aysan u dhicin sidii la rabay,walina aan lagu guuleysan.
Waxaa uu yiri”waan sii joogeynaa Soomaaliya haddii la qaado jihada saxda ah ee lagu dhisayo Ciidanka Soomaaliyeed si ay ula wareegaan amniga dalkooda,laakiin haddii aysan taasi dhicin,waxaan diyaar u nahay in ay Ciidankeenna kala baxno”.
howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa Ciidanka ku sugan waxaa ay gaarayaan 22,000 oo Askari,waxaana ay ka kala socdaan Waddamada Uganda,Burundi,Jabuuti,Kenya Itoobiya Ghana iyo Nigeria ,kuwaa soo qaarkood ay Boolisyihiin.
Hoos ka Dhageyso Codka:-