Muqaal soconaya ku dhawaad 1 daqiiqo islamarkaana uu soo duubay Hogaamiyaha Ururka Al Qaacida Ayman Al-Dawaahiri ayaa lagu bogaadiyay howlgallada Xarakada Al Shabaab ay ka wadaan Dalalka Soomaaliya iyo Dalka Kenya.
Hogaamiyaha Ururka Al Qaacida Ayman Al-Dawaahiri ayaa sidoo kale ku amaanay Xarakada Al Shabaab sida ay ula Dagaalmayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowg Afrika ee AMISOM.
Sheekh Ayman Al-Dawaahiri ayaa waxuu ku tartarsiiyay Xoogaga Al Shabaab in ay kordhiyeen Weerarada xoogan oo ay ku beegsanayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Ayman waxuu qeexay in Al Shabaab ay mas’uuliyad ka saarantahay difaacidda Muslimiinta Afrika iyo bartamaha qaaradda.
Muuqaalkan uu soo duubay Hogaamiyaha Ururka Al Qaacida ayaa waxuu imaanayaa xili dhawaan Xarakada Al Shabaab ay Weeraro xoogan ka fuliyeen Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Dalka Kenya.