Kooxo Hubeysan ayaa waxa ay weerar culus maanta ku qaadeen Saldig Ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Saraakiil iyo Masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijiyay weerarkaas iyagoo sheegay in ay iska caabiyeen weerarkaasi.
Ma jiro ilo Madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Saraakiisha dowladda ee deegaanka Shalaanbood.
Welina ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda weerarkaas walow horay Al Shabaab ay u sheegteen weeraro halkaas ka dhacay