Kenya oo bilaawday dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Dhadhaab

0

Dowlada Kenya ayaa bilaawday dib u celinta Boqolaal Kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo ku nool Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dalkaasi Kenya.

Ku dhawaad 180 Ruux oo laga soo daabulay Xeryaha Dhadhaab ayaa dib loogu celiyay ama la geeyay Degaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubada Hoose.

Dadkan la soo celiyay ayaa la sheegayaa in Degaanadooda ay dib ugu celin doonaan Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midooby u qaabilsan arimaha Qaxootiga ee UNHCR.

Xiriiriyaha Gobolka Waqooyi Bari, Maxamuud Saalax ayaa waxuu sheegay in Dowlada Kenya ay bilaawday dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed maadaama sida uu sheegay lagu balan sanaa 2-bisha July oo shalay ku beegneyd.

Qaxootiga ku sugan Dhadhaab ayaa qaarkood go’aansaday in si iskood ah ay dib ugu soo laabtaan Dalka Soomaaliya.

Sikastaba, Hay’addaha u ololeeya Xuquuqul Insaanka ayaa si cad uga soo horjeestay qorshaha Dowladda Kenya ay ku xireyso Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya.