In ka badan 80 ruux oo ku geeriyootay qarax ka dhacay dalka Ciraaq

0

In ka badan 80 qof ayaa ku dhintay halka 200 ku dhaawacmeen qarax ka dhacay xaafadda Karaada ee bartamaha magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Weerarkan oo Daacish sheegatay mas’uuliyadiisa waxaa sidoo kale ku bur buray guryo iyo deegaanno meesha ka agdhawaa, kadib markii ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu halkaasi isku qarxiyay.

Ciidamada ammaanka ayaa hareereeyay goobta, waxaana la sheegayaa in baaritaan uu socdo

Qaraxyadan ayaa ku beegmay xilli dadka Baqdaad ay isku diyaarinayaan ciidda, waxaana la sheegayaa in waddada uu qaraxa ka dhacay ay aheyd mid aad u mashquul badan.

Ra’’isal Wasaaraha Ciraaq Haider al-Abadi ayaa maanta booqdey goobta dadka badan ay ku geeriyoodeen.

Dadka reer Baqdaad ayaa ku daaley siyaasiyiintooda in ay ku guuleystaan in ay joojiyaan weerarada caynkan oo kale ah, iyo dhibaatooyinka maalinkasta haysta dadka rayidka ah.