Ugaas Xasan Ugaas Maxamed oo la sii daayay ka dib markii ay xireen Ahlu Sunna

0

Ururka Ahlu Suna ayaa sii daayay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed oo saaka ay ka qabteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Guriceel xili uu doonayay inuu ka baxo garoonkaas.

Ahlu Suna faah-faahim kama aysan bixin sababta ay u xireen iyo waxay kaga reebeen safarka uu doonayay inuu kaga baxo magaaladaasi.

Falkaan ayaa waxaa ka xumaaday dadka ku nool gobalkaasi Galgaduud, waxaana la sheegayaa inuu dhacay banaanbax looga soo horjeeday falkaas.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa canbaareeyay falkaan Ahlu Sunna ay ku xireen Ugaas Xasan, inkastoo haatan Ugaaska xuriyadiisa uu dib u helay.