Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe ayaa lagu soo waramayaa in loo gacan geliyay ama lagu wareejiyay Ururka Goboleedka IGAD, sida Xildhibaano ay u sheegeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.
Shirkan oo gogoshiisa ay dhowr bilood taallo Magaalada Jowhar ayaa isku qilaafsan waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ee ka soo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa sheegay in Shirkaasi lagu wareejiyay Ururka IGAD kadib markii Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysan weysay qancinta beelaha ka soo jeeda labada Gobol.
Xubno ka tirsan Ururka Goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Jowhar ee Xarunta Sh.Dhexe maadaama gogosha shirkan ay taallo Magaaladaasi Jowhar.
Sikastaba, Shirka Maamulka mideysan loogu dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe ayaa waxaa ka taagan khilaaf waxaana weli aan muuqan xal laga gaarin isfaham waaga ka dhex-jira Beelaha labada Gobol.