DAAWO VIDEO:- Dagaalkii ugu xooganaa oo dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo iyo Khasaaro badan oo ka dhashay

0

Degmada Widhwidh ee gobalka Sool ayaa laga soo sheegayaa in dagaal xoogan uu ku dhexmaray ciidanka Soomaaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo.

Dagaalkaan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan sida ay ku waramayaan dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinata.

Wasiirka amniga khaatumo Kayse Cabdi Yuusuf oo ku sugan Jiidaha Hore, ayaa ka warbixiyey dagaalka oo ka bilowday bartamaha magaalada widhwidh, Wuxuuna sheegay in Ciidamada khaatumo ay Khasaare kala duwan soo gaarsiiyeen Soomaaliland, wuxuu sheegay in ciidamada khaatumo dhanka bari ee Balliga magaalada ay kaga dileen ciidamo ilaa 3 askari halka dhaawac gaadhaya ilaa 6 ay qaaten maamulka Somaliland,

Soomaaliland ayaa dhankeeda wali wax war ah ka soo saarin dagaalkaan xoogan ee ka dhacay gobalka Sool.

Hoos ka Daawo Muuqaalka Dagaalka:-