Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom, ayaa howlgalo ballaaran waxa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ciidamada dhawaan ay gaareen.
Deegaanka Luuqjeelow oo ka tirsan Deeganada hoostagga Magaalada Baledweyne ayeey ciidamada ka sameeyeen howlgalo ammaanka ay ku xaqiijinayeen.
Ciidamada ayaa guri guri u galay deegaankaasi oo ay ka baarayeen xubno ka tirsan Shabaab, inkastoo aanan la soo sheegin cid howlgalkaasi ay ku soo qabteen ciidamada.
Sidoo kale ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa deegaano kale oo ka tirsan isla Gobolka Hiiraan ka sameeyay howlgalada ammaanka ay ku xaqiijinayaanm.
Howlgalkaan ayaa waxaa horkacaayay Taliyaha ciidamada Xooga dalka ee Gobolka Hiiraan Col. Tawane Axmed Gurey, Guddoomiyaha Deegaanka Luuqjeelow iyo Saraakiisha ciidamada Amisom.
Al Shabaab ayaa ku dhuumaaleysta deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku beegsadaan.
Hoos ka Daawo Sawirada:-