SAWIRRO:- Guddiga Wadada wadaagsin & Hay’adda waddooyinka Puntland Oo maanta la wareegay lacag ay wadada ugu deeqday Jaaliyadda Puntland ee minneapolis.

0

Lacag Shan kun oo dollar ah (5,000$) ah oo ay soo dhiibtay Nadiifo Warsame Diimaye oo wakiil ka ah Jaaliyadda Puntland ee magaalada minneapolis ee dalka Maraykanka lasoo marsiiyeyna Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa maanta lagu wareejiyey Guddiga dhismaha Wadada Wadaagsin (Gaalkacyo illaa Garacad) ee gobolka Mudug oo dhismaheeda ay muddo badan iska kaashanayeen shacabka Puntland dalka iyo dibadda jooga iyo dawlada Puntland.

Munaasibad lacagta lagula kala wareegayey ayaa lagu qabtay xarunta Hay’adda waddooyinka dawladda Puntland ee magaalada Garoowe, waxaana ka qaybgalay, Agaasimaha Hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA-Nesha Eng. Maxamuud Cabdinuur Aadan, Nabadoon C/casiis Aw Yuusuf Xaarin oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga dhismaha Wadada Wadaagsin ,Afhayeenka Qurbe Joogta Puntland C/risaaq Gosol, iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo isagu lacagta wareejiyey.

Ugu horrayn waxaa munaasibadda ka hadlay Guddoomiyihii hore ee gobolka mudug Mr Tigey oo sheegay in lacagta ay soo gaarsiiyeen Jaaliyadda Puntland ee Minneapolis oo ay wakiil ka tahay Nadiifo Warsame Diimaye, waxaana uu sheegay inuu si rasmi ah lacagta ugu wareejiyey guddiga dhismaha wadada wadaagsin iyo hay’adda waddooyinka Puntland.

Tigey ayaa shacabka Puntland meel walba oo ay joogaan ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dhismaha iyo horumarinta dalkooda hooyo isagoo sheegay in haddii iyagu dayacaan aysan jirin cid meel kale uga imaanaysa oo dalkooda u dhisaysa.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga wadada Wadaagsin Nabadoon C/casiis Aw yuusuf Xaarin iyo Agaasimaha Hay’adda waddooyinka Puntland Eng. Maxamuud Cabdinuur ayaa si wadajir ah lacagta oo ahayd Shan kun oo dollar ($5,000) ugala wareegay Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey.

Waxayna sheegeen in dhismaha wadadu uu meel fiican marayo, iyagaa dadka Puntland u sheegay in dhaqaalaha ay ku bixinayaan dhismaha wadadaan uu yahay mid laga taxadaray oo aan la musuq maasuqi karin, islamarkaasina qofkii $1 dollar bixiya lagu fulinayo baahida oo ah in wadada lagu dhiso.

Ugu dambayntii Afhayeenka Qurbe Joogta Puntland C/risaaq Gosol oo markhaati ka ahaa munaasibadda lacagta lagula wareegayey ayaa sheegay inuu u faraxsan yahay sida shacabka Puntland ay dalkooda u dhisanayan, wuxuuna qurba joogta Puntland ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhismaha wadada wadaagsin iyo waddooyinka kale ee Puntland.

1 2 3 4 5 6 7