Wararka naga soo gaaraya deegaano dhowr ah oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaas ay ka da’een roobadka dabaylo wata oo sameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.
Degmada Xaafuun iyo deegaanada hoos yimaada oo ku teedsan xeebaha Puntland ayaa la sheegaya in uu ka da’ay roobab geystay khasaaro hantiyadeed .
Waxaa la sheegaya in dadka deegaanka ay soo gaareen khasaaro kala duwan oo u badan burbur dhanka guryaha ah.
Gudoomiyaha deegaanka Xaafuun ayaa warbaahinta u sheegay roobabkaas oo da’aayey muddo dhowr saacadood ay sameyn ku yeesheen dadka shacabka ee kunool deegaanka Xaafuun.
HALKAAN KA DHAGEYSO