DHAGEYSO:- Rag hubeysan oo Xalay Weeraray guriga Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland

0

Nin hubeysan oo la sheegay in uu ka Tirsanaa ilaalada Beer uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde – ku xannaaneysto Libaaxyada, ayaa Maqribnimadii Xalay xilligii Afurka weeraray Guriga uu Wasiir Waran-cadde ka daggan yahay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Ilaalada Wasiirka iyo ninka hubeysan, ayaa Rasaas culus is-dhaafsaday, taasoo Soctay illaa xilligii cishaha ee Xalay waxaana ciidanka booliiska oo goobta gaaray ay sheegeen inaysan rasaastaasi sababin wax khasaare nafeed ah.

Ruuxan weeraray guriga Wasiirka, ayaa la sheegay inay xigto ahaayeen wasiirka, Waxaana Weerarkiisan uu salka ku hayay Khliaaf u dhexeeyay Wasiir Waran-cadde iyo ninkan ilaalada beertiisa ka mid ahaa.

Saraakiisha ciidanka booliska Somaliland ayaa sheegay in ninka hubeysan ee weeraray guriga Wasiirka uu goobta ka baxsaday, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha – uusan weli ka hadlin sababta keentay in la weeraro gurigiisa.

Ciidanka booliska ayaa sheegay inay baadi-goob ku hayaan ninka weeraray guriga wasiirka, iyadoo falkan uu noqonayo kii u horreeyay ee noociisa ah oo waqti Afur ah lagu qaado guri uu daggan yahay mas’uul ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-