Maxkamada ku taal dalka Masar ayaa maanta Xabsi da’im ku xukuntay Madaxweynihii hore ee dalka Masar Mahamed Mursi, halka lix Edaysanayaal kale oo uu ku jiro Wariyihii shabakada Aljaziira ee dalka Masar Ibraahim Hilaal iyaguna lagu xukumay daldalaad.
Sidoo kale Sadex Eedaysanayaal kale ayaa iyana Maxkamadu 15 Sano xukun oo xabsi adag ah ku riday.
Garsoorha Xukunka ku riday ayaa waxa u qadiyada Edaysanayaasha u daliilsaday Ayado Qur’anka kariimka ah iyo Axaadiista Nabiga oo ku lug leh khiyaano Qaran.
Madaxweynahii hore ee Masar Mahamed Mursi ayaa maanta markii xukunka lagu ridyay Maxkamada la horkeenay isagoo shabak ku jira.
Mursi aya kol sii horeysay waxaa lagu xukumay xukuno iskhilaafsan dil iyo Xabsi da’im ah, balse Maxkamada manta la soo taagay ayay ku xukuntay Xabsi da’im.