Daawo Sawirada Calanka Dowlada Ciraaq oo laga suray Magaalada Fallujah, ka dib dagaal afar toddobaad socday

0

Ciidamada Qalabka Sida Ciraaq, ayaa waxay Jimcihii si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Bartamaha Magaalada Fallujah, ka dib dagaal afar toddobaad socday oo ay kula galeen Ururka Daacish.

Ciidamada Ciraaq oo taageero dhinaca cirka ah ka helaya isbahaysiga uu hogaamiyo Mareykanka, ayaa iska caabin xoog badan kala kulmay Xoogaga Ururka Daacish, oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka).

Ciidamada Ciraaq, ayaa Calanka Qaranka ka taagay Xarunta Dowladda ee Magaalada Fallujah, laba sano ka dib markii dib looga saaray Ururka Daacish.

Ra’iisal Wasaaraha Ciraaq, Haider Al-Abadi, ayaa hambalyo u diray Ciidanka Militariga Ciraaq, tallaabada ay Ururka Daacish ugala wareegeen Fallujah.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ku dhawaaqay in markaan ay diiradda saarayan sidii ay Daacish ugala wareegi lahaayen gacan ku haynta Magaalada Masol.

Fallujah oo ah magaalo istiraatiiji ah, ayaa 40km dhinaca galbeed kaga toosan Caasimadda Ciraaq ee Baqdaad, waana magaaladii ugu mudada dheer ee ay ka arriminaysay Daacishta Ciraaq.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Ciraaq1 Ciraaq2 Ciraaq3 Ciraaq4 Ciraaq5 Ciraaq5- Ciraaq6 (1) Ciraaq6 Ciraaq6- Ciraaq7 Ciraaq8 Ciraaq9