DHAGEYSO WAREYSI XASAASI AH:- Wasiirka Warfaafinta Puntland oo cabasho ka muujiyay Magaciisa oo facebook lagu isticmaalo & hadalkii gallan oo uu ka gaabsaday

0

Wasiirka Warfafainta dawladda Puntland Mudane Maxamuud Xasan Soocade ayaa cambaareeyay hsaqsiyaad magaciisa ku isticmaala facebook ,kuwaas oo uu sheegay in uusan aqoon balse waxyaabaha ay samaynayaan uu aad uga xun yahay.

Waxaa uu sheegay in Magaciisa lagu qaraabto, isagoona sheegay in dawladda Puntland ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto cidii ay ku hesho inay magac dil ku samaynayaan masuuliyiinta Dawladda Puntland .

Facebook lagu isticmaalo magaca Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland ayaa maanta weerar afka ah looga qaaday Cabdisamad Gallan gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari oo diyaarsaday sida uu sheegay ciidamo uu doonayo in Puntland uu kusoo weeraro.

Soocade ayaa mar wax laga waydiiyay sida uu urko hadalkii dhawaan kasoo baxay Cabdisamad Gallan ee ahaa in  weerar uusoo qaadayo ayuu ka gaabsaday, waxaana uu sheegay in munaasabad kale uga hadli doonaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO