Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dalka Biljimka kula shirsan hogaamiyaasha midowga Yurub oo uu kala hadlaayo arimaha howlgalka AMISOM.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Barasalis waxa uu kula kulmaya xoghayaha guud ee QM Ban Ki Mun waxana uu ka dalbanaya in QM ay la wareegto howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM mar hadii Midowga Yurub ay jarteen %20 musharadkii AMISOM.
Kenyatta ayaa ka digay in arintaasi ay sameyn wayn ku yeelatay isku dheeli tirnaanta iyo dadaalada AMISOM ay kula dagaalamayaan Xarakada Al-shabab.
Hoos ka Dhageyso Codka:-