Waxaa goor dhaweyd Degmada Dharkeynleey lagu dilay Agaasimaha Koormeerka degmooyinka ee Maamulka Gobolka Banaadir C/llaahi Ibraahim “Isbiimo”
Ninka la dilay ayaa waxaa la socday oo lala dilay Nin kale, waxaana dilka geystay Kooxo hubeysan.
C/llaahi Ibraahim “Isbiimo” ayaa horay u ahaa Gudoomiye ku Xigeenkii Degmada Dharkeynleey xilligii uu Mungaab.
Ciidamada amaanka ee Dowlada oo isugu jira Booliis iyo Nabad Sugid ayaa goobta u dilka ka dhacay gaaray waxayna halkaasi ka wadaan baaritaano.
Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media