WAR DEG DEG AH:- Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Shabeelaha Hoose.

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagu la eegtay qarax duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ayaa la sheegaya in uu  ahaa mid xoogan oo laga maqlay degmada Afgooye iyo sidoo kale deegaanada ku dhow sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Qaraxa ayaa la sheegaya in qabsaday mid gawaarida ciidanka AMISOM ,waxaana la sheegaya in uu basleeyey gaarigii Qaraxa la la eegtay.

Ciidamada Qaraxa la la eegtay ayaa la sheegaya in ay ka tageen magaalada Muqisho ayna kusii jeedeen degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha.