Qaar ka mid ah Saxafiyiinta ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxay ugu baaqeen in uu ka dhabeeyo balan qaadkiisa ku aadanaa in dowladda ay la wareegtay xaalada Wariye C/risaaq Black isla markaana dalka dibadiisa loo qaadayo.
Waxay sidoo kale sheegeen in Madaxweynaha looga baahan yahay in uu ka dhabeeyo balan qaadkiisa si loo badbaadiyo nolosha Wariye C/risaaq Black oo la Xanuunsanaya dhaawac ay u geysteen Kooxo hubeysan.
Saxafiyiintan oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in Madaxweynaha uu xil iska saaro qaadista Wariyaha dhaawaca balse aan loo baahneyn in uu dad kale u xil saaro.
Wariye C/risaaq Jaamac Cilmi Black oo ah Agaasimaha TV-ga Somali Channel Xaruntiisa Muqdisho ayaa kooxo hubeysan waxa ay sanadkii 2014 ku dhaawaceen qeybo ka mid ah Muqdisho.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 27 Bishii May ee sanadkaan waxa uu si cad u balan qaaday in dowladda ay la wareegtay dhaawac wariyaha isla markaana dibada loo qaadayo.
HALKAAN KA DHAGEYSO