Waxaa dhowaan wadada shaqaalaha ee magaalada Muqdisho lagu dilay Nin mooto Bajaajle ahaa oo ay xabado ku fureen Gaari ay saarnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ehelada uu ka dhashay wadaha Mooto Bajaajka ayaa Maxamada Ciidamada Qalabka Sida iyo Xeer ilaalinta Qaranka waxa ay ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno kooxihii dilay wiilkooda.
Aabaha dhalay wiilka la dilay ayaa sheegay in dilka wiilkiisa ay ka dambeeyeen mid ka mid ah ilaalada xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare Afrax oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare Afrax oo Caawa Idaacadda Risaala la hadlay ayaa iska fogeeyay eedeyntaasi loo jeediyay, waxaana uu sheegay in aysan lug ku leheyn dilkaasi.
Waxa uu sheegay in laamaha amaanka looga baahan yahay in arintaasi ay dabagal ku sameeyaan oo ay soo qabtaan cidii ka dambeysay dilkaasi.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-