TOP+DHAGEYSO:- Aabaha dhalay Wiilkii Bajaajta watay ee dhowaan si xaqdarada lagu dilay oo dalab u Gudbiyay Xasan Sheekh

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliyeed aya laga dalbaday in cadaalada ay horkeento dadkii ka dambeeyay dil dhowaan wadada shaqaalaha loogu geystay qof waday Mooto Bajaaj.

Waxaana la sheegay in uu dilkaas ka dambeeyay mid ka mid ah ilaalada xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Aabaha dhalay wiilka lagu dilay wadada shaqaalaha oo maanta warbaahinta magaalada Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in weli aan si dhab ah loo guda galin kiiska la xiriira dilka wiilkiisa loo geystay.

Waxa uuna Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo xeer ilaalinta ka dalbaday in la soo dhameystiro kiiska la xiriira dilka loo geystay wiilkiisa, isagoo Madaxda ugu sareysa ee dalka sidoo kale ka dalbaday in cadaalada la horkeeno gacan ku dhiiglihii dilay wiilkiisa.

Dhowaan ayay aheyd markii wadada shaqaalaha lagu dilay wiil Mooto Bajaajle ah, waxaana sababta loo dilay lagu sheegay in uu furo wadada xilligaas oo ay xabado ku fureen gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO