TOP NEWS:- FBI-da oo lagu dhegan yahay!! Sidee Ayuu Omar Mateen Uga Hoos Baxay FBI-da ?

0

Weerarkii axaddii lagu qaaday baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Orlando ee gobolka Florida ayaa dib usoo cusbooneysiinaya su’aalaha ku saabsan waxa dowladda ay smaeyn karto, si looga hortago weerarada la midka ah.

Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa ka warhaysay Omar Mateen oo weerarka fuliyey, waxayna su’aalo weydiisay sanadihii 2013 iyo 2014, hase yeeshee sarkaal ayaa sheegay in baarayaashu aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya inuu ku lug lahaa dhaqdhaqaaq dambiyeed.

Seamus Hughes oo ah agaasime ku xigeenka barnaamijka xagjirnimada ee jaamacadda George Washington University ayaa sheegay in haya’addu ay maalmaha soo socda waqti ku bixin doonto inay dib u eegto sababta kiiska Mateen loo xiray, iyo in tallaabadas ay ahayd mid habboon.

Daniel Pipes, oo ah agaasimada Madasha Bariga Dhexe ayaa sheegay inay adag tahay in mas’uuliyiinta ay la socdaan dadka xagjiriinta ah, sababta oo ah ma lahan wax taariikh dambiyeed ah ama kuma xirna dad dambiilayaal ah.

Ninkii fuliyey weerarkii Orlando ayaa taleefon uu u diray adeegga xalaadad deg deg ah ee 911 waxa uu ku sheegay inuu ku xiran yahay Daacish, islamarkaana war kasoo baxay Daacish ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.