DHAGEYSO:- Dowlada Masar oo si kulul ugu hadashay Arrimo Xasaasi ah oo ka jira Soomaaliya

0

Dowladda Masar ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii dhawaan lagu qaaday ciidanka Itoobiya qeybta ka ah howgalka  AMISOM  ee kusugan deegaanka  Halgan ee gobolka Hiiraan.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in uu weerarkaas ahaa mid si aada loogu naxo,islamarkaana dhibaatadii soo gaartay ciidanka Itoobiya eek u sugan gobolka Hiiraan ay la qeybsanayso dowladda Masar dhibkaas iyo sidoo kale dadkii shacabka ahaa ee lagu dul dagaalamay.

War kooban oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibada dowladda Masar oo uu warbaahinta gaarsiiyey afhayeenka wasaarada arimaha dibada masar Ahmed Abu Zeid ayaa lagu sheegay in dowladda Masar  ay ka xuntahay weerarkaas ayna garab taagan dowladda Soomaaliya .

Ahmed Abu Zeid afhayeenka wasaarada arimaha dibada Masar ayaa sheegay in dowladda Masar ay taageero buuxda siin doono ciidanka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Xarakada Al-Shabaab ayaa dhawaan weerar khasaaro badan dhaliyey waxay ku qaaday deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay joogaan ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howgalka AMISOM.

Hoos ka Dhageyso Codka:-