PERTH, Australia : – Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Perth ee Galbeedka dalka Australia, ayaa si aan hore loo arag loogu cambaareeyey xasuuqii arxan darada ahaa ee Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay deegaanka Gaashaamo dadkaas oo ah kuwo aan waxba galabsan .
Isagoo arintani ka hadlayey ayaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Perth ee Australia Jaalle Xasan Maxamed Cigaal ( Xasan Dhoombe) waxuuna yiri “waxaan anigoo ku hadlaaya magaca Jaaliyadda iyo magacaygaba ka tacsiyeeyneynaa dadkii lagu xasuuqay deegaanka Gaashaamo waxaan sidoo kale cambaareeyneynaa cidda falkaas geysatay oo ah cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Ethiopia”.
“Ogaada, waxaad gumaadeen shacab isugu jira, Waayeel, Caruur iyo Haween, waana gef iyo khalad weyn in dad maati ah oo waliba bilaa hub ah aad xasuuqdaan, islamarkaana aad Masaajidka ugu gashaanood ku laysaan, Waxaan u sheegeynaa cadowga ummadda Soomaaliyeed waa inoo xisaabsan yihiin dadka aad maalin walba layneysid adoo adeegsanaya doqomo aan waxba garan oo Soomaali ah, maalin ayaase dhici doonta si dhab ah la idinka xisaabtami doono”.
“Waxaan ummadda Soomaaliyeed ku guubaabineynaa iney midoobaan si aan isaga dulwadno masiibada nagu habsatay oo aan innagu isu keenay” ayaa hadalkiisa kusoo afmeeray Jaalle Xasan Dhoombe, Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Perth ee Galbeedka dalka Australia.