DEG DEG:- Khilaaf soo kala dhexgalay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Shaqsiyaad sheeganaya xilal cusub oo soo baxay

0

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa isku haysta Xilalka Maamulka Gobolka Hiiraan ay ka hayaan.iyadoo Arrintaas Magaalada Baledweyne si weyn looga dareemay.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka ayaa horay waxaa u ahaa Maxamed Ibraahin C/llaahi,waxaase hadda Xilkaasi sheegtay Axmed Cismaan Cabdalla Inji oo sheegay inuu yahay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Hiiraan.

Axmed Cismaan Cabdalla Inji ayaa horay uga tirsanaa Maamulkii hore ee Dooxada Shabelle.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin Xilalka Mas’uuliyiinta kala ah Maxamed Ibraahin C/llaahi iyo Axmed Cismaan Cabdalla Inji ay isku haystaan.