5 qof oo Soomaali ah oo lagu xukumay Maxkamad ku taala dalka Seychelles

0

Illa shan ruux oo burcad badeed Soomaali ah oo la sheegay in lugu helay falal burcad badeednimo ayaa lugu xukumay 12 sanno oo xabsi ah,sida ay go’aamisay maxkamad ku taalla waddanka yar ee Seychelles.

Xaakimka maxkamadda dalka oo lugu magacaabo,Gustave Dodin ayaa sheegay raggan Soomaalida ah in lugu helay labo dambi ah oo ah inay fuliyeen labo mar weerarro burcad badeednimo.

Waxaa kalo uu sheegay xaakimka raggaan Soomaalida ah inay weerarreen Doon laga leeyahay waddanka Hindiya,iyagoo marka madax furasho u qabsadeen shaqaalihii doontaa  intaa kadibna isla doonidaa u isticmaalay inay ku weeraraan markab shidaal siday.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dambiga labaad ee raggaan lugu heysto uu yahay in intii u dhexeysay 1-dii ilaa 18-kii Janaayo 2014 ay gacanka Cadan ka geysteen falal dembiyeedkaas.

Walow falalkaa maxkamadu sheegtay in sanadkaa 2014 ay raggaasi ku kaceen hadana falalka burcad badeednimada ah ayaa hoos u dhacay ama u ekaa kuwo dhammaaday sanadihii labada ahaa ee lasoo dhaafay.

Xabsiyada waddamo badan oo caalamka ah wali waxaa ku jira maxaabis Soomaali ah oo loo heysto burcad badeednimo,toddobadkii hore xabsi ku yaalla dalka Malaysia waxaa laga soo siidaayay o xukun toddobo sano oo xariga ah dhammeystay shan nin oo Soomaali ah oo loogu helay weerar burcad badeednimo