XOG: Itoobiya oo xalay daad-gureysay Meydadka Askartii looga dilay Halgan

0

Wararka laga helayo Degaanka Halgan oo Shalay uu ka dhacay Dagaal Culus oo Al-shabaab ay ku soo qaadeen ayaa sheegaya in Diyaarado Itoobiya laga leeyahay ay Xalay Daad-gureeyeen Meydadka Askartii looga dilay Dagaalkii Cuslaa ee Shalay.

Dadka Magaalada Halgan ayaa sheegay in Xalay Saqdii dhexe ay Degaanka ku soo dageen Saddex Diyaradood oo ah kuwa Xamuulka qaada islamarkaana ay leeyihiin Milatariga Itoobiya.

Inkastoo Itoobiyaanka ay qariyeen Khasaaraha dhimasho ee Dagaalka ka soo gaaraya ayaa Al-shabaab waxaa ay sheegteen in 60 Askari oo Itoobiyaan ah ay ku dileen Halgan.

AMISOM dhankeeda waxaa ay sheegtay inuu jiro Khasaaro dhimasho oo soo gaaray Ciidamada Itoobiya balse ma sheegin tirada Saxda ah.

Hayeeshee Dadka Halgan ku nool ayaa Aaminsan Diyaaradaha Xamuulka qaada ee Xalay ku dagay Halgan ay qaadayeen Meydadka Askartii Itoobiya looga dilay Dagaalkkii Halgan.