DHAGEYSO+SAWIRRO: Yuusuf Dabageed “Hub ayaa looga furtay Shabaab dagaalkii Halgan”

0

Wararka saakay inaga soo gaaraya deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan inkastoo weli ay muuqaneyso raadadkii ay sameeyeen weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen xero ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegaanka Halgan.

Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan ayaa la sheegasy in saakay ay ka muuqato feejignaan aad udheer iyagoo halkaasi ka wada baaritaano ku aadan Gaadiidka deegaanka Halgan galaya iyo kuwa ka baxaya.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo gaaray deegaanka Halgan ayaa faah faahin ka bixiyay dhibaatada shalay degmada ka soo gaartay dagaalka iyo weerarkii lagu qaaday xerada ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegaanka Halgan.

Waxa uu sheegay in Shabaabkii weeraray deegaanka Halgan halkaasi lagaga furtay Hub fara badan sidoo kalena khasaare lgu gaarsiiyay dagaalka.

Dowladda Itoobiya oo dhankeeda war ka soo saartay dagaalka ayaa sheegtay in ciidankeeda aan khasaare sidaa ubuurneen uu ka soo gaaray dagaalka Halgan, inkastoo Al-shabaab ay dhankooda sheegeen in khasaare Lixaad leh ay gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya.

Wali ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

HALKAAN KA DHAGEYSO

hub hub1 hub2 hub3 hub4 hub5 hub6 hub7