TOOS U DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland oo bilaabaya howlgallo ka dhan ah Shabaab

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa uu ka hadlay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho iyo waliba Maqaamka Caasimada dalka.

Waxa uu sheegay in Gudi gaar ah loo saaray maqaamka Caasimada Gudigaas oo go’aan ka gari doona xubnaha magaalada Muqdisho ay ku yeelaneyso Aqalka Sare ee dalka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxa uu sheegay maamulkiisa Bisha July ee soo socota ay bilaabi doonaan howlgallo balaaran oo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Waxaana uu sheegay in howlgaladaasi looga gol leeyahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada Jubbooyinka.

Weli waxaa jira deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay ku sugan yihiin ururka Al-shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO