Saxaafada ayaa ogaaday in ay Madaxda Siyaasadda Soomaaliya ay aad uga wada hadleen labadii asbuuc ee lasoo dhaafay sidii loo qaban lahaa shirka Dibu eegista Dastuurka ee Soomaaliya, kaas oo horey heshiisyo loo gaaray bishii April lagu cadeeyey in lagu qabto caasumada Puntland ee Garoowe.
Laakiin marar badan ayaa dibu dhacyo ku yimaadeen, waxaana arrimahaas aad uga shaqeynayey qaar kamid ah Madaxda dawlad gobaleedyada qaarkood, gaar ahaana Galmudug & Koonfur Galbeed oo diidan in waqtigan la qabto shirkaas.
Galmudug & Koonfur Galbeed waxay ku dooden in ay magaalooyinkooda aan marnaba lagu qaban kulamadii Madasha Wadatashiga, waxayna sheegeen qaarkood in ay doonayaan in shirkaas lagu qabto Baydhabo ama Cadaado, taas oo ladoonayey in lagu baajiyo shirkan.
Sidaas oo kale dawladda Faderaalka ayaa marar badan sheegtay in dhaqaalihii lagu qaban lahaa shirkaas aysan wali fasixin Beesha Caalamku, taas oo ay Saraakiil katirsan Xaafiisyada Madaxda dawladda Faderaalku u sheegeen Allgalgaduud Media in mar hore dhaqaalahan lahelay, laakiin si kale loo maamulay.
Madaxweynaha dawladda Puntland wuxuu horey u sheegay in shirkaas la’aantiis aysan qabsoomi Karin doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, isagoo cadeeyey in lagama maarmaan u yahay shirkan sidii horey loogu dhaqaajin lahaa Hanaanka doorashada, loona sixi lahaa khaladaad badan oo hadda ku jira dastuurka Soomaaliya.
Gudoomiyaha baarlamaanka Faderaalka Maxamed Cismaan Jawaari oo ciyaaraya door siyaasadeed oo mug weyn ayaa dadaal dheer u galey sidii shirkan loo fashilin lahaa, isagoo magaalooyinka Muqdisho, Nairobi & Baydhabo ku qabtay shirar uu ku sheegay in dibu eegis lagu sameynayo Dastuurka Soomaaliya.
Xogaha soo gaaray Allgalgaduud Media waxay si cad u sheegayaan in Madaxda dawladda Faderaalku ay qeyb ka yihiin arrimaha dibu dhaca shirkan, ayna qorsheynayaan in aan marnaba la qaban shirkaas oo ay u arkaan mid dano gaar ah ay ka leeyihiin dawlad gobaleedyada Jubbaland & Puntland oo hadda aad u doonayo in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka hadda jira.