WAR DEG DEG:- Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kenya

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad ah waxa uu gaaray caasimada dalka Kenya ee Nairobi .

Ujeedada safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii Madaxda dowladda Kenya uu ugala hadli lahaa arimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma ee dalka Kenya.

Kenya waxa ay go’aan cad ku gaartay in ay xireyso Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya oo muddo 25-sano ah ay deganaayeen Dad Soomaaliyeed oo colaada dalkooda ka taagan ka cararay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in uu madaxda dowladda Kenya uu kala hadli doono arimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.