Madaxeynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho si wada jir ah xarigga uga jari doona Safaaraddii ugu weyneed ee Turkiga ka dhiso Adduunka.
Safaaradda ayaa laga dhisay dagmada C/casiis ee gobolka Banaadir, waxa ay ku fadhisaa dhul ballaaran oo dhinaca ku heysa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale xarigga ka jari doona mashaariic kala duwan oo dowladda Tukiga ay ka hirgalisay Soomaaliya iyo kuwo horay loo hirgaliyay oo ay maalgalisay dowladda Turkiga.
Socdaalka Madaxweynaha Turkiga waxaa sidoo kale qeyb ka ah heshiiyo ay kala saxiixan doonaan, qaar kamid ah hey’adaha dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowladda Turkiga, kuwaas oo isugu jira heshiisyo wadashaqeyn labada dal iyo kuwo caawimaad ah.
Booqashada Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ah markii sadaxaad ee uu yimaado dalka Soomaaliya.