DEG DEG+DHAGEYSO:- Koonfur Galbeed oo dhameystirtay Golaha Adeega Garsoorka

0

Axmed C/laahi Xuseen Fanax Gudoomiyaha Golaha Adeega Garsoorka Koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Maxkmada Sare oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay qaabka ay maanta umagaaceen Gudooiyaasha iyo Garsoorayaasha qeybta ka ah maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay in arintan ay tahay mid hormar u ah maamulka Koonfur Galbeed ayna noqon doonto mid wax badan ka qabata adeega Maxkamada Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in magacaabistan in badan laga sugayay Golaha Adeega Garsoorka maamulka Koonfur Galbeed ayna noqon doonto mid si cadaalad ah ugu adeegta bulshada.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha ayaa waxa uu shacabka iyo ciidamada amniga ka codsaday in ay garab siiyaan hey’adaha Garsoorka ku lugta leh.

HALKAAN KA DHAGEYSO