DEG DEG:- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Xariga ka jaray Safaradda Turkiga ee Muqdisho

0

Madaxweynaha Turkiga Receb Tayyip Erdogan oo maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Xarunta Safaaradda Turkiga uu ka dhistay Soomaaliya oo ku taalla Degmada Cabdi Casiis ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Salaadda Jimcadda kula tukatay Safaaradda Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada oo halkaa ku sugan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wafdiga Madaxweynaha Dalka Turkiga,iyadoo Xarunta Safaradda ay ku taallo ay joogeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada.

Madaxweyne Erdogan ayaa Xariga ka jaray  Safaaradda Turkiga uu ka dhistay Magalada Muqdisho oo ah Safaaradda ugu Casrisan Safaaradaha ku yaalla Qaaradda Afrika.