Warararka aanu ka heleyno Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo warramaya in Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaalnd ay maanta rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa Xaafadda Dalcadda ee Magaaladaasi.
Rasaastaan ay Ciidamada Jubbaland huwiyeen dadkaasi shacabka ahaa geysatay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Ugu yaraan 1 qof ayaa ku geeriyooday tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen, iyadoona la sheegay in rasaasta ay ka dambeysay kadib markii muran uu ka dhashay dhul ku yaalla Xaafadda Tacshiiradaasi ka dhacday.
Xaafadda Dalacda ayaa ku taalla Galbeedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Qof deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidamada rasaasta furay ay kula eryayeen dad ku mur mayay dhul ku yaalla Xaafadaasi Dalcadda.
Ciidamada Jubbaland ayaa lagu eedeeyaa in rasaas dad rayid ah waxyeeleysa in si micno la’aan ah ay ula beegsadaan Shacabka Magaalada Kismaayo.