DAAWO:- Dhismaha cusub ee Safaarada Turkiga ee Muqdisho oo la Casriyeeyay Xilli uu Muqdisho uu soo booqanayo Madaxweynaha Turkiga

0

Dowladda Turkiga ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay ka dhistay Safaarad weyn oo aad u qurux badan, taasi oo noqonaysa Safaarada ugu weyn ee Somaliya ku taal.

Dhismaha Safaaradan oo ku taal Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir oo ku dhaw Xeebta Liido, ayaa waxa ay tahay mid aad u qurux badan oo qaybo kala duwan leh.

Ciidamo Somali ah iyo kuwa Turkish ah ayaa si wadajir ah uga qayb qaadanaya Suggida ammaanka Xarunta Safaarada oo ah mid aad u weyn.

Safiirka Dowladda Turkiga ee Somaliya ayaa ku shaqeeya Safaaradan iyo dhamaan Shaqaalaha kale ee Safaarada ka howlgala.

Safaarada Turkiga waxa ay markii hore ku taali jirtay Degmada Hodan, gaar ahaan meel ku dhaw Isgoyska KM4 wadada aada Dalcada C/qaasim, halkaasi oo ammaan ahaan aanan aheyn meel wanaagsan marka loo eego meesha ay hada dageen.

Dhismaha Safaarada oo ah mid aad u qurux badan ayaa Turkiga waxaa kaga baxay qarash badan, iyadoo in muddo ah la dhisaayay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Turkiga Turkiga-1 Turkiga-2 Turkiga-3 Turkiga-4