Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay kormeer ku tageen degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay.
Waxaana wasiirada halkaasi gaaray ujeedkooda uu ahaa sidii ay dhiira gelin ugu sameyn lahaayeen ciidamada dowladda ee ku sugan Buur-hakaba.
Wasiirka Tababarada iyo Dhaqan celinta maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgal ka dhan ah Shabaab.
Waxa uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu qorsheynayo sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin goobaha uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay wadaan howlgallo Al-shabaab looga saarayo gobolada Bay iyo Bakool.