Dalka Faransiiska oo shaqo joojin hor leh looga dhawaaqay

0

Ururada shaqaalaha dalka Faransiiska ayaa waxa ay dhammaan shaqaalaha xubinta ka ah ururadooda ugu baaqeen in ay ku biiraan shaqo joojinta ka jirta dalkaasi oo looga cabanaya isbadalada ay dowladda ku sameysay xeerka shaqaalaha dalkaasi.

Shalay oo khamiis ahayd ayaa howlwadeenada ururadan waxa ay guud ahaan dalkaasi ka sameeyeen dibadbaxyo, waxa ayna xireen waddooyinka muhiimka ah.

Ciidamada booliska ee ka hortagga rabshadaha iyo dad dibadbaxyo dhigayay ayaa gudaha magaalada Paris iyo magaalooyin kale waxaa ku dhex maray isku dhacyo.

Booliska ayaa xabsiga u taxaabay in kabadan 60 qof oo ka mid ah dadkii dibadbaxyada dhigayay.

Ra’iisalwasaraha Faransiiska Manuel Valls ayaa ku adkeystay in dowladdu aysan marnaba ka noqonayn isbaddalada ay ku sameysay xeerka shaqaalaha dalkaasi ee uu muranka ka dhashay.