Wararka Ciyaaraha: Arsenal Oo Ku Horeysa Saxiixa Morata, Lukaku Oo Doonaya Inuu Ku Laabto Chelsea Iyo.

0

Maalin wanaagsan meel walba oo joogtaan akhristayaasheena sharafta leh, waxaan idiin soo gudbineynaa sida aad inooga barateen maalin walba wararkii ugu waa weyn ee ay qoreen wargesyayda maanta oo Talaado ah, xuquuqda iyo sugnaanshaha wararkaan waxaa ka mas’uul ah wargeysyada magacooda uu ku hor xusan yahay.

Goolhayaha Manchester United David de Gea ayaa sii joogaya kooxda Old Trafford ka dhisan si uu uga hoos ciyaaro tababaraha cusub Jose Mourinho. (The Sun)

Goolhayaha Manchester City iyo xulka England Joe Hart oo 29 jir ah ayaa waxaa xagaagan 40 milyan ginni ku dooneysa kooxda Everton. (The Sun)

Macalinka xulka Ingariiska Roy Hodgson ayaa u sheegay weeraryahanka Man United Marcus Rashford oo 18 jir ah inuu ku soo bilaaban doono kulanka jimcaha ee saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan Australia. (The Guardian)

Weeraryahanka Everton Romelu Lukaku ayaa doonaya inuu heshiis 65 milyan ginni ah dib ugu laabto xagaagan kooxda Chelsea. Xiddiga reer Belgium ayaa ka tagay Blues sannadii 2014 ka dib markii uu ku soo bilowday kaliya hal kulan oo Premier League ah muddo seddex sannadood ah. (London Evening Standard)

Macalinkii hore ee Man United David Moyes ayaa ka baxay u tartanka shaqada tababare ee kooxda Aston Villa waxaana laga yaabaa inuu ku laabto Goodison Park. Ninka reer Scotland ayaa ka mid ah sagaal nin oo u sharaxan shaqada Everton waxaana kula wehliya Manuel Pellegrini iyo Frank de Boer. (Daily Mirror)

Liecester City ayay tahay inay bixiyaan 30 milyan euro haddii ay doonayaan 27 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon Islam Slimani, kaasoo ay sidoo kale doonayaan kooxaha Arsenal iyo Tottenham. (Leicester Mercury)

Goolhayaha Jarmalka Loris Karius oo 22 sanno jir ah ayaa noqonaya ciyaaryahan Liverpool ah isbuucaan ka dib markii uu soo gaaray Merseyside si uu u dhameystiro heshiis 4.7 milyan ginni oo uu uga soo wareegayo kooxda Mainz. (Liverpool Echo)

Alvaro Morata ayaa ku dhow inuu isaga tago Juventus xagaagan, iyadoo Arsenal ay hogaamineyso tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka 51da milyan ginni lagu qiimeynayo. Sawir uu soo dhigay Instagram ayaa si maldahan u muujinaya in sii joogitaankiisa Turin inuu soo dhamaaday. (Daily Star)