WAR DEG DEG:- Kenya oo beenisay in ciidameeda jooga Soomaaliya ay dagaal la galeen Al-shabaab

0

War kooban oo ka soo baxay dowladda Kenya ayaa lagu beeniyay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ee jooga Soomaaliya ay Al-shabaab dagaal kula galeen Dhoobley.

Dhanka kale Afhayeenka milatariga Kenya, korneel David Oboyo, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in ciidamada Kenya lagu weeraray Dhoobley.

Ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in maanta ay wadada ugaleen Kolonyo ciidamo Kenya ah oo marayay wadada xiriirisa deegaanada Dhoobley iyo Taabto.

Ilo madax banaan ayaa sheegay in dagaal maanta uu ciidamada Kenya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Dhoobley, iyagoo sheegay in dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Labada dhinac ee dagaalamay.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan dhexmaray ciidamada Kenya iyo ururka Al-shabaab.