TOP DHAGEYSO: 2,500 Muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay Badda Mediterranean-ka

0

Waxaa Badda Mediterranean-ka laga soo badbaadiyay  Ku dhawaad 2,500 oo Muhaajiriin ah, sidaasina waxaa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Talyaaniga.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha dalka Talyaaniga ayaa la tilmaamay inay soo badbaadiyeen dadkaan Muhaajiriinta ah oo doonaayay inay dalka Talyaaniga ku galaan sifo aanan sharci aheyn.

Talyaaniga waxa ay sheegeen dadkaan la soo badbaadiyay inay saarnaayeen 14 doomood oo noocooda uu yahay kuwa ka sameysan Cinjirka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maraakiiib Malta iyo Irish ay leeyihiin ay dadkan soo bad-baadiyeen. Sidoo kale markab xamuul ayaa ka qeybqaatay bad-baadda dadkan.

Ciidamada dalka Libya ayaa sheegay shalay inay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 800 oo ruux oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo doonaayay inay ka tahriibaan dalka Libya.

Waxaa sii kordhaaya tirada dadka Muhaajiriinta ah ee doonaya inay gaaraan dalalka Yurub, kuwaasi oo ka cararaya dalalkooda Hooyo.

HALKAAN KA DHAGEYSO