Paris Saint-Germain Oo 120 Milyan Euro Ku Dalbaneysa Cristiano Ronaldo.

0

PSG ayaa soo xirtay xilli ciyaareed kale oo guulo ah ka dib markii ay ku guuleysteen horyaalka iyo French Cup inkastoo ay ku guuldareysteen inay gaaraan wareegyada ugu danbeeya ee Champions League.

Ka dib markii uu baxay weeraryahan Zlatan Ibrahimovic, kooxda reer Paris ayaana xiddig magac weyn suuqa kala iibsiga ka raadineysa milkiilaha kooxda Sheik Al Zani ayaana doonaya Cristiano Ronaldo.

Wargeyska Talyaaniga ee Gazetta dello Sport ayaa qoreysa in kooxda Faransiiska inay dalab 120 milyan euro ah miiska u soo saartay Real Madrid, iyagoona sidoo kale xiddiga ku dhashay jasiirada Madiera u soo bandhigay mushahar uu xilli ciyaareedkii ku qaadanayo 30 milyan euro ka dib canshuurta.

Majalada France Football ayaa iyadana warisay in kulan uu dhexmaray bishii hore Cristiano Ronaldo iyo madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi wax yar ka dib markii ay Madrid garaacday Wolfsburg wareegii 8da Champions League.

Cristiano kaliya ma ahan weeraryahanka ay dooneyso kooxda Ligue 1 heysata, waxaa sidoo kale liiska dukaameysigooda ku jira xiddiga Napoli iyo Argentina Gonzalo Higuain.

Source: Laacib