Garoonka Wembley Oo Marti Gelin Doona Kulan U Dhaxeeya Liverpool & Barcelona Sida Maanta La Shaaciyay.

0

Kooxaha Liverpool iyo Barcelona ayaa ku kulmi doona garoonka Wembley bisha Agoosto kulan qeyb ka ah tartanka heerka caalami ee International Champions Cup.

Kulankaan ayaa lagu xaqiijiyay shir jaraa’id oo lagu qabtay maanta garoonka qaranka Ingariiska, waxaana ciyaarta ay dhici doontaa maalinta sabtida ee 6da bisha Agoosto.

Waxaa ku dhawaaqista kulankaan goob joog ka ahaa Gary McAllister oo ah xiddig u soo ciyaaray Liverpool iyo xiddigii hore ee Barcelona Ronald de Boer.

Liverpool iyo Barcelona ayaa qeyb ka ah 10 kooxood oo ka qeyb galaya tartanka International Champions League ee la isagu diyaarinayo xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo tartankaan uu bilaaban doono 23ka bisha July waxaana uu socon doonaa ilaa iyo 13ka bisha Agoosto.

Ka hor kulankooda Barcelona ee Wembley, Liverpool waxa ay gobolka California ee dalka Mareykanka ay ku ciyaari doonaan labo kulan, waxa ay 27ka bisha July ku wajihi doonaan magaalada Pasadena kooxda Chelsea, halka 30ka bisha July ay magaalada Santa Clara kula ciyaari doonaan AC Milan.

Dhanka kooxda Barcelona ka hor kulankooda Liverpool waxa ay Glascow caasimada Scotland kula ciyaari doonaan kooxda Celtic 30ka bisha July iyo 3da bisha Agoosto oo ay magaalada Stockholm ee dalka Sweden ay kula ciyaari doonaan kooxda heysata horyaalka Premier League ee Leicester City.

Source: Laacib