DEG DEG+DHAGEYSO:- Afar Cunug oo Walaalo ah oo Gaari uu ku jiiray Magaalada Muqdisho.

0

Canug oo Walaalo ah oo dhiganayay Dugis Qur’aan ku yaalla Xaafadda Xoosh ee Degmada Dharkenlay ayaa waxaa Dugsigii ay wax ka baraneyeen ku soo fariin Goostay Gaari Nuuca Raaxada ah,waxaana halkaa ku dhintay mid ka mid ah Caruuta Walaalaha ah,iyadoo Saddexda ay dhaawacmeen.

Goobjoogeyaal ayaa KNN u sheegay in Caruurta wada dhashay ee Shilka uu ku dhacay ay isku meel wada fadhiyeen ka hor inta uusan Shilku dhicin.

Caruurta dhaawacu uu soo gaaray ayaa loo qaaday xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Shilka Shook ama qalqal ka qaaday Macalinkii Dugisa Qur’aanka  sida uu noo sheegay Qof Goobjooge ah.

Ciidamada Ammaanka oo Shilka ka dib goobta gaaray ayaa Xabsiga dhigay Wadihii Gaariga Shilka galay,iyadoo sidoo kale uu burbur xoogan soo gaaray Dugsigii Ardaydu ay wax ku baranayee.

HALKAAN KA DHAGEYSO