Daawo: 31-kii Gool Ee Neymar Uu Dhaliyay Xilli Ciyaareedkaan Oo Hal Muuqaal Lagu Soo Koobay.

0

Xiddiga reer Brazil Neymar ayaa mar sii horeysay sheegay in xilli ciyaareedkan uusan shaqsi ahaan u aheyn mid fiican laakiin sidaasi oo ay tahay waxa uu Barcelona u dhaliyay 31 gool xilli ciyaareedkan isagoo sidoo kale ka caawiyay hanashada horyaalka La Liga iyo Copa del Rey.

Neymar ayaana shabaqa soo taabtay kulankii finalka ee Copa del Rey ee ay ka badiyeen kooxda Sevilla, waxaana uu ka mid ahaa weerarka MSN ee xilli ciyaareedkan wacdaraha ka dhigay dalka Spain.

Mustaqbalkiisa ayaana ahaa mid si weyn looga hadlayay bilihii u danbeeyay iyadoo saxaafada Catalan ay ku adkeysaneysa in Neymar uu qandaraas cusub saxiixayo xilli dhow halka warbaahinta Spain ay sheegeysay inuu dalabyo ka helay kooxaha PSG, Real Madrid iyo Manchester United.

Xalayto markii ay Barcelona u dabaaldegeysay guulaheeda isboorti ee kooxaha kala duwan ee kooxda waxa uu Neymar sheegay inuu ku faraxsan yahay Barcelona taasoo muujineysa inuu doonayo inuu ku sii negaado.

Hadaba anagoo soo qaadaneyna goolasha ay dhaliyeen xiddigaha waa weyn ee La Liga ee kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, waxaan maanta idiin soo gudbineynaa goolashii uu xilli ciyaareedkan dhaliyay Neymar.