Xildhibaan Samiiro Xasan Cabdulle oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalka ka soconaya Magaalada Baladweyne ay hurinayaan siyaasiyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa ay sheegtay Xildhibaan Samiiro Xasan Cabdulle in dagaalka uusan iska socon balse ay jirto u jeedo ka dambeysa oo danu gurracan ee ay gadaal ka riixiyaan siyaasiyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ay sheegtay in dhaqaalo xoogan ay ku bixinayan.
Dhinaca kale Xildhibaan Samiiro Xasan Cabdulle ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka Soomaaliya in aysan waxba u qaban shacabka Magaalada Baladweyne ee uu saameeyay fatahaadda Webiga Shabelle.
Eedeymaha Xildhibaan Samiiro Xasan Cabdulle ayaa ku soo beegmeysa iyadoo dhawaan fatahaad uu Webiga Shabelle sameeyay ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 20 qof.
Magaalada Baladweyne ayaa waxaa isku biirsaday Colaad beeleedyo iyo Fatahaadda Webiga Shabelle xilli dowladda Federaalka ay u muuqata mid aan u soo jeedin wax ka qabashada arrimahaas.