Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo si gaar ah isha ugu heyso Marxaladda kala guurka ah ee dalka uu marayo ayaa wax ka weydiisay go’aankii shalay Madaxweynaha uu gaaray Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Fadhaye oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka kuwa ugu caansan.
Xildhibaanka ayaa taageeray go’aankaas isagoo tilmaamay in awoodoodii oo ay gabeen uu Madaxweynuhu isticmaalay kadib markii Ruqsad loo siiyay sida uu hadalka u dhigay.
“ Xildhibaanada ha iska kala tageen meesha howl mataalo qofkii siyaasad mar kale rabana isimadiisa iyo maamulladiisa waa yaqaan ee ha ka soo raadsado” ayuu yiri Xildhibaan Fadhaye.
Hase ahaatee Xildhibaanka ayaa qiray in Madaxweynaha go’aankaas uu qaatay uusan sharci u lahayn.
HALKAAN KA DHAGEYSO