Qaramada Midoobe ayaa soo dhaweeysay go’aankii uu qaatay madexweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michal Keating oo la hadlay idaacadda VAO ayaa sheegay in qaramada Midoobe ay ku faraxsan yihiin Go’aankii uu qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ,kasoo ahaa in uu ansixiyey hishiiskii ay wada gaareen madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
Qaramada Midoobe waxa ay sheegtay in ay ku raja weyn tahay in doorashada Soomaaliya ay dhacdo waqtigii loogu talagay,islamarkaana madexda dowladda Soomaliya aysan sameysan doonin wax waqti kordhin.
Madexweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud shalay ku dhawaaqay in uu ansixiyay hishiiskii ay wada gaareen maamul goboleedyada iyo dowladda Dhexe ee Soomaaliya,inkastoo ay ka hor yimadaan qaar ka mid ah xilidhibaanada dowladda Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso Codka:-